Xulalka Mali iyo Tunisia oo ku kala baxay barbaro 1-1 ah

0
188

Xulalka Mali iyo Tunisia ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah, kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019, kaasoo si habsami leh kaga soconaya dalka Masar.

Kulankan ayaa ka tirsanaa Group E ee Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada xul qaran ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed si aad aad ah loo jecleystay, waxayna abuureen fursado dhowr ah ay ku dhalin gaareen goolal.

Daqiiqadii 60-aad Diadie Samassekou ayaa wuxuu hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Mali wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Laakiin daqiiqadii 70-aad wiilasha xulka qaranka Tunisia ayaa waxay heleen goolka barabaraha, waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay Wahbi Khazri.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah ay ku kala baxeen labada xul qaran Mali iyo Tunisia, iyadoo haatan Group E uu 4 dhibcood ku hogaaminayo xulka Mali, halka Tunisia ay kaalinta 2-aad ku fadhiyaan 2 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here