{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Cusub G/Hiiraan Oo La Kulmay Hay’adaha Ka Howlgalo Baladweyne

0
158

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle ayaa Manta la Kulmay Hay’adaha Samafalka ah ee ka howlgalo Magaalada Baladweyne waxaana kulanka uu ahaa isbarasho iyo sida ay uwada shaqeeyn lahaayeen Maamulka Cusub ee Hay’adaha Deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hay’adaha Deegaanka ay kala hadleen sidii loo caawin lahaa dadkii ka barakacay Dagaal Beelledkii dhawaan ka dhacay Deegaano hoostaga Degmada Matabaan.