{DAAWO SAWIRADA} Shil Sababay Dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Dagmada Cadaado

0
213

Gaari nooca dagaalka ee Cabdi Bilaha loo yaqaano oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ayaa Maanta waxaa uu ku rogmaday duleedka degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Gaariga oo ka ambabaxay Magaalada Cadaado ayaa la sheegay in rogmashadiisa uu ku geeriyooday Hal askari halka 7 kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magalada Cadaado si loogu daaweeyo.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in askarta dhaawacantay ay ku jiraan kuwa xaaladooda caafimaad ay liidato,sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan Magalada Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here