{DAAWO SAWIRADA} Xulka Senegal oo iska xaadiriyey Final-ka Koobka qarammada Afrika 2019

0
99

Xulka qaranka Senegal ayaa iska xaadiriyey kama dambeysta Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaddib markii ay 1-0 ku garaaceen dhiggooda Tunisia.

Kulankan oo ahaa mid adag ayaa lagu kala nastay qeybtii hore goolal la’aan 0-0, inkastoo xulka Senegal ay birta garaaceen.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay xulka Tunisia ayaa helay fursad dahabi ah, kaddib markii rigoore loogu dhigay 75’daqiiqo, laakiin nasiib-darro waxaa ka khasaariyey Ferjani Sassi.

Dhinaca kale xulka Senegal ayaa dhankooda rigoore loo gudhigay dhammaadkii ciyaarta balse waxaa gool ku laadkaas ka lumiyey 81’daqiiqo Henri Saivet, kulanka ayaana ku dhammaaday 90-ka daqiiqo gar isku mid ah 0-0.

Waxaa loo baahday in labada xul la kala saaro, waxaana kulanka lagu kordhiyey 30-daqiiqo oo dheeri ah intii daqiiqadaas lagu jirayna xulka Senegal ayaa helay gool ay guusha ku qaateen, waxaana uu ahaa mid uu iska dhaliyey (Own Goal) 101’daqiiqo Dylan Bronn, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 looga adkaaday Tunisia.

Xulka qaranka Senegal ayaa iska xaadiriyey Final-ka koobka qarammada Afrika markoodii labaad taariikhda, horay waxay u gaareen kama dambeysta tartankan sanadkii 2002-dii.

Senegal waxa ay final-ka tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika la ciyaari doonaan xulkii caawa soo adkaada Algeria iyo Nigeria, halka Tunisia ay kulanka kaalinta saddexaad la dheeli doonaan xulkii laga soo adkaado Algeria iyo Nigeria caawa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here