{DHAGEYSO} Maxaa ka jira in lagu celinaayo Lactii uu Ra iisulwasaare kheyre ugu deeqay Garoonka Cawaale ee Waqooyiga Gaalkacyo?

0
97

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in baaritaano ay ku socdaan xubnaha guddiga dhismaha dayactirka garoonka kubadda cagta ee Cawaale ee Gaalkacayo,kuwas oo la wareegay lacag ay dhawaan ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya,hayeeshee waxaa wararkaas beeniyay Maamulka gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo wax laga weeydiiyay warar sidoo kale sheegayay in guddiga ay dowladda Soomaaliya u celinayaan lacagtii ay Garoonka ugu deeqday oo gaareysa $220 (Laba Boqol iyo labaatan kun oo dollar) ayaa sheegay in warkaaso uusan waxba ka jirin.

Waxaa uu sidoo kale uu been abuur ku sheegay in Waqooyiga Magalada Gaalkacyo la geeyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland,kuwaas oo lagu amray in Xubnaha guddiga dhismaha garoonka kubadda Cagta ee Cawaale ay xiraan.

dad dano gaar ah leh ayuu sheegay inay wadan falal qalqal gelin ah,isla markaana warar been abuur ah oo aan waxba ka jirin ku faafiyay Baraha Bulshada,waxaana uu sheegay in dadkaasi ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan axaa ay lacag farabadan ugu deeqday dhismaha wadada Bartamaha Magalada Boosaaso iyo Garoonka Kubadda Cagta Cawaale ee Magaalada Gaalkacyo,hayeeshee Ciidamada Puntland ay xireen Xubno ka mid ah guddiga dhismaha wadada Bartamaha Magalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here