Dowlada Uganda oo labo kun Askari u soo dirtay Soomaaliya

0
104

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaad laba Kun oo Askari u soo dirtay Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Qaramada Midoobey  ee Soomaaliya.

Ciidamadan oo gaaraya 1,828 Askari,waxaana ay tababar ku dhameysteen gudaha Dalka Uganda iyaga oo beddelaya Ciidankii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee billadaha la guddoonsiiyay.

Ciidamada ayaa isugu jira saraakiil iyo askar caadi ah,waxaana tababarka siiyay saraakiil ka socotay Waddamada Holland, Mareykanka iyo UK.

Mbasu Mbadi oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka difaaca Uganda oo sootin u sameeyay Ciidamadaas ayaa kula taliyay in ay isu diyaariyaan howlgal caalami ah islamarkaana wax ku kordhiyaan nabadda Soomaaliya.

Sam Kavuma oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka dhulka ee Dalka Uganda ayaa Ciidamada kula dardaarmay in ay u shaqeeyaan Waddaniyadnimo, akhlaaq iyo taxaddar maaddaama sababtooda ay ku jirto Uganda isaga oo xusay in ay tiir u yihiin jiritaanka Ciidanka difaaca Kenya.

Munaasibadda Ciidankaas loogu soo daadgureynayay Soomaaliya waxaa kale oo ka qeybgalay Wakiillo ka socday Howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here