Hooya wiilkeeda heshay 43 sano kaddib

0
106

 Waxay arrintan dhacday 43 sana ka hor. Xaliima Xasan waxay ilmihi ugu horreysay dhashay marka ay da’deedu ahayd 20 jir waxayna ninki ugu horreeyey ay u dhashay laba carruur ah inkasta oo ay reerki khilaaf ku kala tageen.

Hooya Xaliima ayaa taariikhdeeda sida ay ilmaheeda ku weysay kaddibna u heshay uga warrantay BBN Amharic. Waxayna tiri Sidan:

Mans waa wiilki iigu horreeyey oo aan ku curtay waxaanna aniga marki ugu horreysay ula baxay Nuunu. Aniga iyo aabbihiina khilaaf xooggan oo na soo dhex maray kaddib waxay qaddartu noqotay inaa kala tagno.

Mans inta uu caloosha ku jiray xaaladdeeyda noolaleed waxay ahayd mid aad u adag, markaan umulay kaddibna wax noolal ah ma haysan oo hadba waxaan seexan jiray xaafad ay dad kale leeyihiin

Seddexdi sano oo aan la noolaa ninkeyga iigu horreeyey waxaan noolal aan buuq lahayn ku noleyn seddexdi bilood ee ugu horreysay oo keli ah.

Maadaamaa aan wiilka yar wax aan siiyo iyo aniga umusha ahaaba wax aan quuto aan haysan waxay dadki i yaqaannay igula taliyeen inaan wiilka geeyo xaruun ilmaha lagu xanaaneeyo si uu naaskayga uu ugu maarmo isla-markaana aan aniga isaga xoogsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here