Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Yurub Maanta Oo Isniin Ah

0
132

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Isniin ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Laacib oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

 

Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Laacib kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

RASMI: Kooxda Shiinaha Shanghai Shenhua ayaa heshiis 18 milyan ginni ah waxa ay kula wareegtay xiddigii kooxda Roma Stephen El Shaarawy.

Daafaca sida weyn loo raadinayay ee Matthijs de Ligt oo u ciyaara Ajax ayaa la sheegayaa inuu heshiis shan sannadood ah la gaaray kooxda Juventus inkastoo weli Ajax iyo Bianconeri aysan heshiis gaarin. (Daily Mirror)

Xiddiga khadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes ayaa si weyn u doonaya in la dhameystiro heshiiska uu ugu biirayo Man United, waxaana uu filanayaa in la dhameystiro goor dhow. (Daily Mirror) desperate for Man Utd transfer to be completed – and expects it to happen

Antoine Griezmann ayaa ku adkeysanaya inuusan ku laaban doonin tababarka Atletico Madrid isbuucaan, isagoo sheegay inuu la ildaran yahay walbahaar. (Daily Mirror)

Arsenal ayaa weli madax xanuun kala kulmeysa suuqa kala iibsiga iyadoo kooxda Saint-Etienne ay noqotay kooxdii ugu danbeysay ee ku biirta tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Barcelona Malcom. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa dalabyo badan u heshay Nathaniel Clyne iyadoo daafaca uu ku laabtay tababarka kooxda ee ay isagu diyaarinayaan kulamada xagaaga. (Daily Express)

Milkiilaha Newcastle Mike Ashley ayaa u dhawaaday tababaraha Rangers iyo xiddigii hore ee Liverpool Steven Gerrard inuu noqdo macalinka cusub ee Newcastle oo uu bedelo Rafa Benitez laakiin Gerrard ayaa diiday codsigiisa. (Daily Mirror)

Goolhayaha reer Spain David de Gea oo 28 sanno jir ah ayaa ku dhow inuu u saxiixo qandaraas cusub kooxda Manchester United oo uu ku qaadanayo 350 kun ginni isbuucii. (Daily Mirror)

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa jeclaan lahaa inuu maalin uun tababare ka noqdo Jarmalka sida uu sheegay wakiilkiisa. (Welt)

Barcelona ayaa ku garaacday Paris Saint-Germin saxiixa 16ka jirka weerarka ka ciyaara ee Ingariiska Louie Barry ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa West Brom. (The Sun)

Daafaca garabka ka ciyaara ee Celtic iyo xulka Scotland Kieran Tierney ayaa waxaa bartilmaameedsanaya Arsenal iyo Napoli iyadoo kooxda Talyaaniga ay diyaar u tahay inay iibiso Mario Rui si ay lacag ugu hesho 22 jirkaan. (Telegraph)

Crystal Palace ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca Chelsea Reece James oo 19 sanno jir ah si uu u bedelo Aaron Wan-Bissaka oo ku biira Manchester United. (The Sun)

Weeraryahanka Ingariiska Jadon Sancho oo 19 sanno jir ah ayaa lagula taliyay inuu iska diido Man United iskana joogo Borussia Dortmund, waxaa taladaas u soo diray xiddigii hore ee United Wayne Rooney. (Bild)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here