Wasiirka Maaliyada Hirshabelle oo xilka laga qaaday iyo Wasiir cusub oo lagu bedelay

0
134

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii maaliyada ee maamulkaasi Maxamed Maxamud Cabdulle (Maxamed Dheere), waxa uuna isla wasaaradan u magacaabay Wasiir cusub.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa loogu magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyada in uu noqdo Mudane  Abdi Shakuur Abuukar Xasan.

Xil ka qaadista Wasiirka Maaliyada iyo magacaabista Wasiirka cusub ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa heshiis dhawaan si hoose loogu gaaray magaalada Baladweyne oo lagu xalinayay xiisadii ka dhalatay Xil ka qaadistii Yuusuf Dabageed.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista iyo magacaabista 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here