Xiddiga Garoonka, Xiddigaha Fashilmay Iyo Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Arsenal Ka Badisay Burnley

0
103

Toban sannadood ka dib kooxda Arsenal ayaa badisay labada kulan ee ugu horeeya xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii ay maanta 2-1 ku qaarjiyeen kooxda Burnley oo marti ku aheyd garoonka Emirates Stadium.

Markii ugu danbeysay ee ay badiyaan labada kulan ee ugu horeysa xilli ciyaareedka waxay aheyd xilli ciyaareedkii 2009-10, iyadoo guushii maanta ay ka saacideen kooxaha Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Xiddiga khadka dhexe Dani Ceballos ayaa ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay ee Premier League, waxaana uu taageerayaasha Arsenal tusay maanta waxa uu qaban karo isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, waxa uu ahaa xiddiga weerarka Arsenal uu ka bilaabanayay halka uu sidoo kale gacan ka geysanayay inay kooxda dib u hesho kubada.

Waxa uu caawiye ka ahaa labadii gool ee ay Arsenal ku badisay, goolkii hore koornadii uu soo tuuray ayuu Lacazette dhaliyay halka baaskiisa uu keenay in Aubameyang uu dhaliyo goolka guusha.

XIDDIGAHA FASHILMAY

Ciyaartoyda labada kooxoodba waxa ay soo bandhigeen kulan adag oo isku dheeli tiran laakiin kooxda Arsenal xiddig ku dhex dhumay ciyaarta waxa uu ahaa da’ yarka Nelson oo la qabsan waayay laxanka ciyaarta waxaana la bedelay waqtigii nasashada, halka kooxda Burnley uu ka muuqbeelay weeraryahankooda Wood oo aan waxba ku soo kordhinin.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Arsenal (4-2-3-1): Leno 6; Maitland-Niles 7, David Luiz 7, Sokratis 6, Monreal 6; Ceballos 8, Geundouzi 6; Nelson 5, Aubameyang 7, Willock 6; Lacazette 7

Bede;: Kolasinac 6, Torreira 6, Pepe 7

Burnley (4-4-2): Pope 7; Lowton 6, Tarkowski 6, Mee 6, Pieters 6; Gudmundsson 7, Cork 6, Westwood 6, McNeil 7; Wood 5, Barnes 7

Bedel: Rodriguez 6, Lennon 6

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here