{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Qorshaynta DFS Oo Ku Biiray Shirka Maalgashiga Puntland

0
83

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta DFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa kasoo qayb galay shirka maanta, waxa uu jeediyey khudbad muhiim ah oo ka hadlaysa muhiimadda Maalgashiga, waxaana uu bogaadiyey talaabada wanaagsan ee Madaxda Puntland shirkan ku hirgeliyeen.

Shirka ayaa waxaa qayb ka ahaa sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha, dhamman maalgashadayaashii shirka qaybta ka ahaa, Ganacsato Soomaaliyeed iyo khuburo shirka qayb ka ahayd.

Ajandaha shirka maanta ayaa waxaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin horumarinta dhallinyarada, maalgashiga, caqabadaha iyo fursadaha, dalxiiska, adeegyada Bulshada, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shirka Maalgashiga Puntland maanta gelinka dambe soo xiraya, waxaana kasoo bixidoona shirka War-murtiyeed soo koobaya qorsheyaasha lagagadooday, looga hadlay, laguna soo bangigay shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here