{DAAWO MUUQAALKA} Al-Shabaab oo meel fagaare ah ku toogatay Masuul ka tirsanaa maamulka Jowhar

0
260

Al-shabaab goob fagaaro ah deegaanka Fiidoow ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ay toogasho ku fuliyeen maalintii shalay Nin Oday ah oo da’diisa lagu sheegay 82 sano jir ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle.

Ninkan toogashada lagu fuliyay oo magaciisa lagu sheegay Cali Cabdullaahi Xassan ayaa lagu waramayaa in uu markii hore u tagay deegaanka ay maamulaan Al-shabaab arin ku saabsan Labo Qoys oo isku hayay dacwad dhul la xiriirtay.

Waxaa la sheegay in labada Qoys ee isku hayay dacwada garab ka mid ah ku wargaliyaan Al-shabaab in Ninkan uu ka tirsan yahay maamulka Hirshabeelle sidaa daraadeed uusan wax marqaati ka furi karin dacwada.https

HAALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA