Puntland oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray xiisadii ka taagneyd Boosaso

0
129

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay Xiisaddii maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalada Boosaaso iyo Sidda loogu guuleystay in lasoo Afjaro.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland sheegay  ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalmihii la soo dhaafay gadood ka sameeyay gudaha magaalada Boosaaso, balse markii dambe xal laga gaaray cabashadii ay qabeen.

Wasiirka ayaa sheegay, in ciidanka gadoodka sameeyay markii ay galeen magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo booliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, laakiin aysan dhibaato kale ka gaysan gudaha magaalada Boosaaso mudadii ay ku sugnaayeen.

Waxaa uu xusay in mas’uuliyiinta  Puntland oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka iyo culimada  ay ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen ciidanka dowladda ee gadoodka sameeyay, islamarkaana maanta dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen.

Ciidankii Magaalada Boosaaso xoogga kusoo galay ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Carmo oo markii hore ay ka yimaadeen.