Axmed Madoobe oo ku Wajahan Puntland

0
305

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sida qorshaysan maalinta Isniinta ee berry ah kusoo wajahan magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland, waxaana isaga iyo madaxweynaha Deni ay wadahadal ka yeelan doonaan arrimo la xiriira doorashooyinka dalka ee 2020/2021 iyo hannaanka kala guurka siyaasada ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la qrosheeyay in ay wada hadli doonaan xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka  Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay aan wanaagsaneyn xiriirka madaxweynayaasha Dawlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay la leeyihiin dawlada federalka.