{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xaaf oo Gaarey Gaalkacyo Iyo Cabsi laga qabo Safarkiisa oo la xiriiro dhismaha Galmudug

0
195

Safarkan oo aad loo hadal hayo ayaa lafilayaa in Xaaf uu halkaa u tagey dhowr qodob sida aan Ku helnay warar hoose

Madaxweynaha ayaa inta gaalkacyo uu joogo ka shaqeyn doono qodobada kala ah

1-kulan uu la qaadan doono Xubno Ahlusunna ka tirsan oo halkaa lafilayo in ay gaaraan kana wada hadli doonaan xaalka galmudug iyo sida dowladu wax uwado

2-in uu cambaareeyo sida dowladu u wado howsha doorashasa Galmudug

3-in uu Ku dhawaaqo gudi doorasho hadii laga jawaabi waayo tabashadiisa

Waxaa kale oo safarka Xaaf gadaal ka riixaya odayaasha iyo siyaasiyiinta Gobolka mudug oo Ku doodaya saami qaybsiga Galmudug in meel looga dhacey oo aysan jirin Boos ka mid ah Kuraasta sare oo loo reebey beel ahaan maadaama awal ay hayeyn kursiga madaxweynaha Galmudug .

Arimaha Galmudug ayaa markale galaya Wado xasaasi ah iyo loolan hor leh Hadii aysan dowladu arintan u istaagin , Madaxweyne Xaaf oo galabta Hadley waxa uu sheegey in uu ka shaqeyn doono arimaha Nabadeynta waxa uuna ka gaabsadey ka hadlida Ujeedkiisa dhabta ah ee arimaha siyaasada .