{DAAWO SAWIRADA} War Cusub oo Kusoo Kordhay Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Mareykanka ee Lamu

0
210

Xubno katirsan Alshabaab ayaa saakay abaaro afartii aroornimo weeraray saldhig ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ay si wada jir ah isticmaalaan kaas oo dhaca gobalka xeebta Kenya ee Lamu.

Dadka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay in ay arkeen qiic cirka isku shareeray islamarkaana maqlayeen rasaas iyo qaraxyo.

Kooxda shabaab waxay sheegatay in weerarka ay dileen askar keenyaan iyo Mareykan isugu jira ay ku burburiyeen diyaarado saldhiga yaalay.

Irungu Macharia oo ah taliyaha baliiska ee Lamu ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in saldhiga la weeraray islamarkaana la iska caabiyay maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya ayaa saxaafada dalkaasi u sheegay in weerarku soo idlaaday 5:30 subaxnimo islamarkaana lagu dilay afar ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidanka kenya ayaa tilmaamay in dab uu ka kacay saldhiga kadib markii haamo shidaal rasaas ku dhacday balse iminka la damiyay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ilaa sideedii subaxnimo ay maqlayeen rasaas saldhiga ka dhaceysa.