{DAAWO SAWIRADA} Xeer ilaaliyaha maxkamada Ciidamada oo Booqday Fariisinka Ciidamada Macwiisleyda ee G,Hiiraan

0
187

Xeer ilaaliyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ganshale Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa waxa uu kormeer uu kutagay degaanka afcad oo hoos yimado dagmada Buulo-burte ,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada macwisleyda oo dagaal kula jiro ururka  Al shabaab.

 

Kulan dhaxmaray xeer ilaaliyaha maxkamada iyo Ciidamada macwisleyda ee ku sugan deeganka afacad oo ku yaal inta u dhaxeeyso Dagmooyinka Jalalaqsi iyo Bulo burde ee Gobolka Hiiraan ayaa  warbixin ka siiyay xalada deganada afcad iyo wadada isku xirto Buulo-burde iyo jalalaqsi oo ay sheegeen in ay tahay mid amni ah oo laga saaray Al shabaab.

 

Madaxda macwiisleeyda oo ah dadka deegaanka ayaa Dowlada Federaalka ka codsaday in hub iyo rasaas la siiyo si ay u kordhiyaan dagaalka ay al shabaab kula jiraan lagana sifey Alshabaab waxayna ay dowlada fadaralka ay ka codsaden in lagu cawiyo hub madama ay dagal kula jiran ururka argagixisada alshabaab.

 

Ganshale Maxamed Cabdulqaadir Maxamed Xeer ilaaliyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa ku amaanay shada adag oo ay u qabteen bulshada Soomaaliyeed mudadii ay dagaalka kula jireen Al shabaab

 

Xeer ilaaliyaha ayaa u sheegay Ciidamada macwiisleeyda in dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaarada gaashaandhiga si ay u qarameeyso dhalinyarada diyaarka u ah in ay ku biiraan Ciidamada Xooga Dalka.

 

Ciidamada macwiisleyda oo ah Ciidamo iska abaabulay deegaanadooda ayaa waxaana ay mudo dheer dagaal kula jiraan Al shabaab mana jirto wax taageero ah oo ay ka helaan Maamulka Hir-shabeelle ama Dowlada Federaalka Soomaaliya.