{DHAGEYSO} Banaanbax ka dhan ah qaraxii Ex-Control oo Muqdisho ka dhacay

0
230

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxii sabtidii la soo dhaafay ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in banaanbaxa lagu qabtay dugsiga tababarka booliska ee Jeneral Kaahiye ee Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo agaasimay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb-galay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday degmooyinka gobolka, kuwaasi oo boorar ay wateen ku muujinayey dareenkooda ku aaddan qaraxyada lagu gumaado shacabka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in banaanbaxan uu yahay mid ay ugu baroordiiqayaan shacabkii lagu xasuuqay weerarkii qarax ee sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-Control.