Doowlada Kenya oo sheegtay in weerar ka dhacay Lamu ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

0
162
Kenya Defence Force soldiers arrive in Garissa University College in Garissa April 4, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic

Ciidanka Difaaca Waddanka Kenya ee KDF ayaa sheegay in ay dileen afar ka tirsan dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen mid kale.

Howlgalka ayaa ka dhacay degaanka Nyongoro, oo ka tirsan Gobolka Lamu,halkaas oo shalay Koox hubaysan ay ku weerareen gaari bus ah oo ku siijeeday Ismaamulka Lamu.

Isku duwaha Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya, John Elungata, ayaa sheegay in ay Ciidankoodu ku guuleysteen dilka Afartaasi xubnood, mid kalana ay Gacanta ku dhigeen isaga oo nool.

Al shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii shalay ka dhacay Lamu kama hadlin sheegashada Kenya ee ah in ay dileen xubno ka tirsan Al shabaab.