kheeyre oo La kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Ee Galmudug.

0
151

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Galmudug.

Kheyre ayaa kala hadlay Odayaasha dhaqanka dhismaha maamulka Galmudug.

Waxa uu sidoo kale ka Codsaday Odayaasha dhaqanka in ay ansixiyaan 20 xildhibaan ee ka yimid dhanka Ahlusunna oo muran badan uu ka dhashay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Calki Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahluusnna Macalin Maxamuud,kaas oo looga hadlay Arrimo la xiriira dhismaha Galmudug.

Labada dhinac ayaa waxaa ay siweyn u lafa gureyn arrin ku saabsan 20 Xildhibaan ee la siiyey ahlusunna oo dowladda Soomaaliya ay culeys weyn ku heysay,balse laga heshiiyey.