Maxkamadda gobolka Bari oo xukunno ku ridday Odayaal iyo Siyaasiyiin ku eedaysan kicin dadweyne

0
230

Maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Bari ayaa maanta xukunno isugi jira xabsi iyo ganaax lacageed ku ridday, Siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo Odayaal kale oo mudda bil ah ku xirnaa magaalada Boosaaso.

Siyaasiga iyo Odayaasha ayaa la xiray kadib markii Xukuumadda Puntland ay ku eedaysay kicin dadweyne iyo aflagaado ay u geysteen madaxda Dowlad-goboleedka Puntland.

Maxkamadda ayaa saddex bilood ah oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan min $500 oo Dollar ku xukuntay Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa laba sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo min $1,000 Dollar waxay ku xukuntay Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

Guddoomiyaha Maxkamadda oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in shanta eedaysane ay ku caddaatay dhammaan eedaymahii loo soo jeediyey.

Madaxda Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 1-dii bishaan ka sheegay magaalada Garoowe in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda khal khal gelinta nidaamka dowliga ah ee Puntland.