Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda

0
232

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ah badhtanka sannadka (26-ka Juun iyo 1-da Luulyo), iyadoo la marayo bilowga sannadka.

Wasiirka warfaafinta DFS ayaa guddoomiye u ah guddigan, waxaana xubno ka ah;Wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo caddaaladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha golaha Wasiirrada, agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka.

Guddiga ayaa la sheegay in ay kaashanayaan Dowlad-goboleeyada.

Dowladdu waxay sheegtay in aysan keliya xusayn sannad-guurada 60’aad ee gobanimada balse sidoo sannadkan la xusayo 20-guurada dib-u-asaaska dowladnimada Soomaaliya tan iyo burburkii oo ahayd markii Carta, Jabuuti lagu dhisay.