Saldhig Maraykanku ku leeyahay Ciraaq oo madaafiic lagu garaacay

0
100

Dhowr qarax ayaa gilgilay agagaarka magaalada Baqdaad saacado uun ka dib baroor-diiqii magaalada Baghdad loogu sameynayo janaraalkii milatariga Iiraan Qaasim Suleeymaani iyo taliyihii maleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al Muhandis, kuwaasi oo khamiistii lagu dilay weerar uu Mareykanku fuliyay.

Qaraxayada ayaa waxaa lala beegsaday Aagga Cagaaran ee u dhow safaaradda Mareykanka iyo garoonka diyaaradaha ee Balad oo ay ku yaalaan guryaha xoogagga Mareykanka, waxayna ilo wareedyo laga helayo ciidamada ammaanka Ciraaq sheegayaan ineysan jirin cid ay waxyeello ka soo gaartay.

Hogaamiyeyaasha Iran ayaa wacad ku maray iney aargoosi u sameyn doonaan dilkii Janaraal Qaasim Suleymaani oo uu Mareykanka u aqoonsanaa argagixiso.

Ma jirto ilaa haatan cid shegatay iney ka dambeysay weeraradaasi balse xoogagga taabacsan Iran ayaa lagu eedeeynayay iney ka dambeyeen weeraradii dhowaan ka dhacay Ciraaq oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ah Mareykanka.

Ka dib baroor-diiqyadii Janaraalka loogu sameeyay Baqdaad iyo magaalooyinka barakeysan ee Muslimiinta shiyacada ayaa waxaa meydkiisa la geyn doonaa dalkiisa Iran.

Ciraaqiyiinta ayaa sidoo kale u baroor-diiqayay geeridii Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliyaha ururka Kataib Hezbollah oo ay Iran baritaarto.

Waxaa jira warar kale oo tibaaxaya in ururka ay cidaamada ammaanka Ciraaq uga digeen ”iney gabi ahaanba ka fogaadaan xarumaha Mareykanka laga bilaabo galabka Axadda ah”, sidaasi waxaa soo weriyay Telefishinka al-Mayadeen.

Mareykanka oo ka jawaab celinaya hanjabaaddii Iran ee aargoosiga ayaa waxa uu 3,000 oo ciidan u diray bariga dhexe iyadoo sidoo kalena ay muwaadiniintooda ku boorriyeen iney isaga baxaan dalkaasi Ciraaq.