Shiinaha oo Mareykanka ugu baaqay inuu xaaladda dejiyo

0
125

Shiinaha ayaa ka dalbaday dhammaan dhinacyada gaar ahaan “Mareykanka” inay wax iskula haraan ka dib dilkii General Soleimani.

“Shiinaha wuxuu mar kasta ka soo horjeedaa in xoog loo adeegsada xiriirka caalamiga ah”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha.

Waxay ka dalbadeen Mareykanka inay daganaasho muujiyaan oo aysan uga sii darin xalaadda murugsan ee gobolka.

Shiinaha wuxuu ka mid yahay dalalka xubnaha joogtada ah ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana mid ka mid ah dalalka sida weyn ugu tiirsan dhoofka saliida Iraan.