Wiil Soomaali ah oo Aabihiisa ku dilay Jarmalka.

0
107

Wiil soomaali ah ayaa aabihiisa waxaa uu ku dilay dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Hamburg.

Sida warbaahinta dalka Jarmalka ay baahiyeen, Wiilkan Soomaaliyeed oo 17 sano jir ah ayaa toorey ama (mindi) u adeegsaday dilka Aabihiis oo 57 sano jir ahaa.

Wiilka Soomaaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Axmed Nuur Faarax Xuseen iyo Aabihiis oo lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Xuseen, ayaa la sheegay inuu dhexmaray muran xooggan.

Lama oga ilaa iyo hadda wuxuu salka ku hayay.

Booliska magaalada Hamburg ayaa weli  wada baaritaanno la xiriira sida ay wax u dhaceen.