Zlatan Ibrahimovic Oo Caddeeyey Sababaha Uu Dib Ugu Soo Laabtay AC Milan

0
256

Halyeyga reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa ka hadlay sababaha uu ugu biiray kooxdiisii hore ee AC Milan xilli ay da’diisu weynaatay, waxaanu sheegay in marnaba aanu samirka iyo dedaalka joojin doonin.

Ibrahimovic oo ay da’diisu tahay 38 jir ayaa heshiis lix bilood ah ugu biiray AC Milan, waxaana uu haystaa doorasho ah  in uu sannad kale usii ciyaari karo kooxdaas oo uu hore ugu ciyaaray 2010 ilaa 2012 oo uu u dhaliyey 42 gool 61 ciyaarood oo Serie A ah oo uu u dheelay, iyadoo waliba uu la qaaday horyaalka dalkaas.

38 jirkan waxa uu sheegay in waqtigan uu ka dalabyo badan yahay markii uu ahaa 20 jirka, taasina caddaynayso inuu wali yahay ciyaartoy wax badan qaban karaya.

“Waan ogahay waxa ay tahay inaan sameeyo. Zlatan halkan ayuu joogaa. Waxa aan helayaa anigoo 38 jir ah dalabyo ka badan markii ahaan ahaa 20 jirka.” Ayuu yidhi Ibrahimovic.

Waxa uu sheegay in uu u yimid kooxda Milan inuu wax badan u qabto, waligiina aanu luminin samirka iyo jacaylka uu u hayo, waxa se uu shaaciyey in sababihii uu uga tegay markii hore kooxdan ay ahayd go’aan ay wadaageen maamulka kooxda.

“Markii aan ka tegay halkan, ogolaanshuhu aniga gacantayda kuma jirin, xaaladduna waxay ahayd sidii ay noqotay. Waxa muhiimka ahi waa inaan halkan joogo oo aan caddeeyo wax u caddeey sida ugu suurtogalsan.” Ayuu raaciyey.

Ibrahimovic ayaa waxa uu fursad u haystaa in kulankiisa ugu horreeya uu u ciyaaro AC Milan maalinta Isniinta oo ay ka hor tegayaan Sampdoria, hase yeeshee waxa uu ogyahay in kaalinta 11aad ay kaga jirto miiska kala sarraynta Serie A, isla markaana ay 21 dhibcood oo kaliya ka heshay 17 kulan oo xili ciyaareedkan ah.