Koox hubeysan oo xalay masuul ka tirsan Puntland ku dilay Gaalkacyo

0
186

Koox hubaysan ayaa xalay magaalada   Gaalkacyo  waxaa ay ku dileen gudoomiyihii Xaafada  Garsoor laanta  Cabdi raxmaan Nuur Gureey (Geesdiir). ,iyagoona sidoo kale dhaawacey  nin la socdey  xiliga  uu dilku dhacayey .

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta  u sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada ammanka ee Puntland ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi ka sameeyay baaritaano.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga ee maamulka Puntland.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka, waxaana ay ku sheegtay in Cabdiraxmaan Nuur Gureey oo ku magac dheeraa (Geesdiir) uu la shaqeynayay Ciidamada Nabadsugidda Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku soo kordhayay dilal qorsheysan ay geysanayaan kooxaha ku hubeysan bistoolado.