Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qarax ka dhacay duleedka Jannaale

0
242

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Al-Shabaab ay ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya kula beegsadeen duleedka deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxaq oo nuuciisa lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo marayey duleedka deegaanka Jannale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka ayaawarbaahinta  u sheegay in ay maqleen dhawaqa qaraxaas iyo uuro ka dambeysay, balse aysan garaneyn khasaaraha ka dhashay.

Dhanica kale ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa sheegay in ay ku gubeen gaari booyad ah oo ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sii jeeday Jannaale.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay qaraxaas ku gaarsiiyeen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac in kastoo aysan shaacin khasaare rasmi ah.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxaas ka dhacay duleedka deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose oo dhawaan ay ciidamada dowladdu kala wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo sanado badan maamulayey.