{DAAWO SAWIRADA} Soomaalida ku nool K/Afrika oo Xiray Goobahooda Ganacsiga

0
108

Kadib markii dhawaan Madaxweynaha Koonfur Afrika uu xaalad badnow ah oo socon doona muddo 21 ah uu dalkaasi kaga dhawaaqay si looga hortago faafida COVID 19 ayaa waxaa inta badan dhaqan galay amarkaas,iyada oo dadka u hogagansamay ay kamid yihiin Soomaalida.

Soomaalida ganacsi ahaan u jooga dalka Koonfur Afrika ayaa intooda badan waxaa ay xireen goobahooda Ganacsiga,iyaga oo u hoggaansamaey Amarka Madaxweynaha Koonfur Afrika,waxaana si lamid ah amarkaas u hoggaansamey Ajaanibta kale ee ku nool dalkaas.

Sawiro laga soo qaadey Goobaha Ganacsiga ee Soomaalida leedahay ayaa muujinayey inay xiran yihiin,waxaana jiray kuwo aan fulin amarka badnowga ah,hayeeshee Ciidamada dalkaasi Koofur Afrika ay si xooga ah ku xireen.

Magaalooyinka ay Soomaalida Ganacsigodoa ay xireen ayaa waxaa kamid ah Rustenburg, Nyanga,George, Pretoria, iyo Cape town,waxaana xirnaanshaha ganacsiga Soomaalida siweyn looga dareemay Gudaha dalkaasi Koonfur Afrika.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida oo Warbaahinta la hadley ayaa waxaa ay sheegeen in bandowgaan uu saaeyn dhaqaale ku yeeshay Ganacsigooda maadaama wadanaakaas joogistiisa uu uga baxo dhaqaalo badan,hadii uu ganacsigooda sii xirnaadana uu saameyn ku yeelanayo.

Booliska Koonfur Afrika ayaa lagu arkayaa Magaalyinka waaweyn ee dalkaas,waxaana ay wadan hwolgallo lagu xaqiijinayo laguna adkeynayo bandowga uu ku dhawaaqey Madaxweynaha Koonfur Afrika,iyada oo la xirayo dadka ka dhega adeego.