Dawlada oo qalab caafimaad ku wareejisay qaybo ka mid ah maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir

0
221

Wasaaradda Caafimaadka Soomaliya ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu tala galay ka hortaga cudurka COVID19 maamulka gobolka Banaadir iyo maamaul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kaasi oo ah qalabka uu Dawladda Soomaaliya ugu deeqay Maalqabeenka reer Shiine ee Jack Ma .

Dowladdu waxay sidoo kale Maalinta berri ah ay qalab kuwaan la mid ah ku wareejin doontaa maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay Wasiirka Caafimaadka dowladda dhexe , kuwa maamul goboleedka iyo maamulka gobolka banaadir ay magaalada muqdisho ku yeesheen kulan looga hadlayay sidii wadajir looga hartagi lahaa caabuqaan saameynta xooggan ku yeeshay Caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.