DFS iyo Maamul goboleedyada oo sheegay in loo baahan yahay 57 milyan oo dollar si loo xakameeyo Covid 19

0
104

Dowladda soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ayaa si rasmi ah u sheegay in loo baahan yahay lacaga dhan 57 milyan oo dollar si loo xakameeyo Cudurka Coronavirus.

Go’aankan ayaa waxaa gaaray Wasaaradaha Caafimaadka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, kadib shir ay ku yeesheen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Wasaaradaha ayaa isku afgartay in loo diyaar garoobo Cudurka Coronavirus islamarkaana la Joogteeyo Wacyigalinta bulshada ee Cudurka Covid 19.

Soomaaliya ayaa laga helay Kiiskii labaad ee cudurka Corono Virus, iyadoona dowladda Soomaaliya ay wado dadaalo ku aadan sidii looga hortagi lahaa arintan,