Dowladda Soomaaliya oo dalbatay saddex Sheybaar

0
178

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay saddex Sheybaar oo sameyn kara baaritaanka Cudurka Coronavirus COVID-19.

Waxaa lagu wadaa in qalabkaas uu dalka soo gaaro labo iyo saddex todobaad ah, iyadoo ay ku xigi doonto tababarka shaqaalaha ku shaqeyn doona sheybaradaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligan baaritaanka qofka looga shaki qabo cudurka Coronavirus u dirta sheybaarka Hey’adda WHO ku leedahay dalka Kenya, kaasoo natiijada baaritaanka qaata muddo todobaadyo ah.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa horay u caddeysay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan heysan qalabka lagu baaro Corona Virus.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiiradda Caafimaad Maamul Goboleedyada ayaa booqday xarunta hubinta Badqabka Bulshada, Xarunta Daaweynta dadka laga helo Corona ee De-Martino iyo Xurunta Gurmadka deg dega ee Magaalada Muqdisho.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in soo saarista Tallaal ama dawooyin soo afjari karo CoronaVirus ay qaadan karto 18 bilood.