FAAH FAAHIN Dad ku dhintey Shil Gaari oo ka dhacay Gudaha Kenya

0
154

Shilkaan gaari oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow goobo ganacsi oo ku yaallo halka loo yaqaano Sachangwan ee ku taalla wadada weyn ee xiriirisa Magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret.

Shilka ayaa yimid,kadib markii ay iku dhaceyn gaari nooca xamuulka qaado ah iyo Mooto noco dhugdhugleyda ah ee labada lug leh,waxaana shilkaasi ku dhintey laba ruux oo kala ahaa wadihii gaariga Xamuulka iyo qof saarnaa Mootada.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Taraafikada oo lagu Magacaabo James Gatara ayaa sheegay in qof saarnaa Mootada uu shilkaasi ku dhaawacmey,kaas oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka St Joseph.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqey darawalada Gaadiidka noocyadiisa kala duwan inay taxadar muujiyaan si loo yareeyo Shilalka gaadiidka ay waxyeelada kasoo gaarto dadka rayidka ah.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret ayaa waxaa ay kamid tahay wadada ay inta badan ka dhacaan Shilalka,iyada oo Saraakiisha ciidanka taraafiikada ay sheegeen inay wax ka qaban doonaan.