FAAH FAAHIN Sarkaal Goordhaw lagu dilay Magaalada Boosaaso

0
184

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay in bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ay ku dileen sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Waaxda Cansuuraha Bariga ee Dowlad goboleedka puntland.

Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Caynab Maxamed Dunge ayaa lagu diley goob maqaaxi ah oo ku taalla Magaalada Boosaaso,isla markaana dadkii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland,kuwaas oo halkaasi ka wada howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkaas.

 

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga xun deegaannada Puntland,waxaana 17-kii Bishaan Boosaaso lagu diley Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu Magacaabi jirey Saleebaan Axmed Shire.