Galmudug oo xaduuda u dirtay ciidamo ka hor taga qaadka laga keeno Itoobiya

0
196

Saacadihii lasoo dhaafay madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa kulan ka yeeshay sidii loo joojin lahaa qaadka dalka kasoo dhanka gobolka Galgaduud uu xuduuda kala wadaago dalka Itoobiya.

Laamaha ammaanka ayaa la faray in ay xiraan xuduudka Soomaaliya iyo dowlad deegaanka, gaar ahaan aagga lagu tuhmayo in ay marin u yihiin gaadiidka qaadka soo geliya gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale magaalooyin ay ku jirto Gurceel ayaa waxaa ka bilaawday wacyi gelin ah in dadku aysan hanti dambe iska gelin qaada inta xanibaadu saarantahay.

Ganacsatada qaadka keenta deegaanadaas ayaa lagu wargeliyey in la gubi doono meeshii lagu arko qaad, isla markaana aysan hantidooda iska gelin ilaa amar dambe uu kasoo baxo dowladda federaalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay go’aan uga soo saartay in aan dalka lasoo gelin xamuul ka yimid dibadda oo aan aheyn dawooyin iyo raashin, waxaase xusid mudan in meelaha qaar gudaha Soomaaliya uu qaadku soo gaaro, iyadoo laga soo geliyo xuduudaha dhulka.

Talaabada lagu joojiyey qaadka oo aan laga carabaabin wax kasta oo dalka lasoo geli jiray ayaa ah, sidii loo xakameyn lahaa faafidda cudurka Coronovirus oo saameeyey dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.