Go’aan ka soo baxay Puntland oo xalay dhaqan galay

0
167

Waxaa xalay dhaqan galay go’aan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland, kaas oo lagu xiray xuduudaha uu maamulkaasi la wadaago Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Qoraal kasoo baxay xaafiiska wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa lagu shaaciyey in go’anklaasi uu dhaqan galay wixii ka dambeeyey 6:00pm makhribnimo ee xalay, isla markaana ay sii xirnaa doonaan illaa amar dambe.

Sidoo kale Puntland ayaa go’aankan ku diiday in deegaanadeeda qaad lasoo geliyo, iyadoo ku goodisay in la gubi doono meeshii lagu arko, isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu arko.