Guddoomiyaha midowga Afrika oo wajahaya cabsi la xiriirta Coronavirus

0
173

Gudoomiyaha ururka  Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shaaciyey in uu is karaantiilay, kadib markii xubin ka tirsan shaqaalihiisa laga helay xanuunka Coronavirus.

Guddoomiye Moussa Faki ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in mid ka mid ah howlwadeenada xaafiiskiisa laga helay Coronavirus, isla markaana ay dhamaan is karaantiileen shaqaalaha kale ee xaafiiska.

Moussa ayaan wax faahfaahin ah oo intaas dheer ka bixin ruuxaas ka tirsan shaqaalaha xaafiiskiisa iyo heerka uu gaarsiisanyahay xanuunkiisa.

Cudurka oo bishii December kasoo bilowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ku faafay 176 dal oo caalamka ah.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka geeska Afrika ee uu sameeyey cudurkan, in katoo illaa hadda la ogaaday oo kaliya seddax kiis oo la xariirta Coronovirus, waxaana xusid mudan in dadkaasi ay ka yimaadeen dalalka caalamka, isla markaana ay karaantiilanyihiin.