Jubbaland oo dowladda ku eedeysay inay wado barakicin Shacab

0
234

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa uu ka hadley xaaladda Gobolka Gedo oo dagaalo ay ka dhaceen, dagaalka uu Maamulka Jubbaland kula jiro Al-Shabaab iyo Arrimo kale.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayay xaalada gobolka Gedo waxaa uu sheegay in Gobolkaas uu kamid ahaa meelaha ugu nabdoon Koonfurta Soomalaiya,hayeeshee ay xaalad amni darro ka abuurtay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay geysay Ciidamo farabadan.

Waxaa uu sheegay in degmooyinka,Doolow,luuq iyo Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ay xilligaan ka jirin wax amni ah,isla markaana dad ka badan 55 Kun oo ruux oo deganaa ay isaga barakaceen,kadib markii sida uu sheegay in Ciidamo dowladda Diyaarado xamar uga keentey.

Maamulka Jubbaland ayuu sheegay Maxamuud Sayid Aadan in dhowr mar uu isku dayay in wada-hadal lagu xaliyo waxa ka socda degmooyinka Gobolka Gedo,hayeeshee aysan ka aqbalin sidoo kale ay jirtay baaqyo ka yimid Beesha Caalamka.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay Ciidamo diyaarado ku geysay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo,sidoo kalena duleedka Beled-Xaawo ay ku dagaalameen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda walow laag awood roonaadey kuwa Maamulka Jubbaland.