Khasaare ka dhashay weerar ka dhacay suuqa Bakaaraha

0
309

Weerar loo adeegsaday Bam-gacmeed ayaa maanta lagu qaaday ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, si gaar ah qeybta khudaarta.

Ciidamada lala beegsaday weerarkaas ayaa ku howlanaa canshuur aruurin ka socotay suuqa, waxaana la sheegay in halkaas ay ku geeriyootay haweeney ka mid aheyd dadka khudaarta ku iibiya suuqa, halka uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaas nin kale oo shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa warbaahunta u sheegay in markii Bamka lagu weeraray kadib ay ciidamadu fureen rasaas, iyadoo isla goobta ay durba gaareen ciidamo iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliya, welina lama soo werin khasaare ka dhashay rasaasta ay fureen ciidamadu.

Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarkaas ay wax yeeladu kasoo gaartay dadka shacabka ah.