Kulan dhaxmaray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya

0
206

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Muqdisho, March 25, 2020 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, waxa uu kala hadlay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha.

Intii ay ku guda-jireen kulankooda, waxa ay si qoto dheer u falanqeeyeen horumarka laga sameeyay dib u heshiisiinta qaran iyo wadahadalka siyaasadeed ee Soomaalida si loo gaaro horumar dhanka nabadda ah iyo is-oggol ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka bilowga ah