Maalinta ay dhaceyso doorashadda Guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed oo La shaaci wax ka ogoow

0
203

Guddiga doorashooyinka baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee ay dhici doonto doorashadda Guddoonka baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

SHURUUDAHA MUSHARIXIINTA LAGA DOONAYO AYAA AH:

1-Musharixiinta waxa ay araajidooda ku hagaajinayaan guddi hoosaadka diiwaangelinta Musharixiiinta oo uu madax ka yahay Xildhibaan Jookar.

2-Musharaxa katirsan Golaha Wasiirada waa in uu soo gudbiyaa warqad caddeyneesa iscasilaadda marka uu isdiiwaangelinayo.

3-Lacagaha Diiwaangelinta waxaa lagu soo shubayaa Koontada Bangi ay dib kasoo sheegi doonaan Xubnaha Guddiga.

4-Isdiiwaangelinta Musharixiinta waxa ay socon dooontaa 29-ka ilaa 30-ka oo ku kala beegan berri oo Axad ah iyo Isniinta oo maalinta xigta ah.

5-Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxa ay dhici doontaa 1-ka April oo ku beegan Arbacada.