Man United Oo Doonaysa Da’yarka Real Madrid Ee Vede Valverde, Aubameyang Oo Kusii Jeeda Bernabeu Iyo Wararka Ugu Waaweyn Suuqa Iibka Maanta Oo Khamiis Ah

0
272

Inkasta oo uu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoygu oo la filayo in horraanta bisha June uu furmo, haddana kooxaha waaweyn ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii ay ciyaartoyga ay doonayaan uga sii dhaadhiciyaan inay heshiisyadooda ogolaadaan, waxaanay qaarkood haddaba lasii gelayaan qandaraasyo hor dhac ah.

Warbaahinta adduunka ayaa waxay si taxani ah usoo bandhigaan xogtii ugu dambaysay ee suuqa iyo dhaqdhaqaaqyada ay kooxuhu samaynayaan, kuwaas oo isugu jira warar xan ah iyo kuwo run ah oo raadkoodu muuqdo.

 

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee maanta oo Khamiis ah ay qoreen wargeysyada waaweyn ee dunidu:

Halyeygii Manchester United ee Jonathan Greening ayaa usoo jeediyey tababaraha Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer inuu la saxeexdo 24 jirka khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee Jack Grealish iyo sidoo kale James Maddison oo ah 23 jir u ciyaara Leicester City. (Metro)

United ayaa lagu soo warramayaa inay liiska ciyaartoyda ay u doonayso beddelka Paul Pogba ku darsatay da’yarka Real Madrid ee Federico Valverde oo 21 jir ah. (Express)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay iibiso Emerson Palmieri oo 21 jir ah iyo Victor Moses oo 29 jir ah, waxaanay sii wadaysaa raadinta difaac bidix oo wanaagsan. (Sun)

Manchester United, Tottenham iyo Arsenal ayaa dhegaha u taagaya war cusub oo kasoo kordhay weeraryahanka xulka qaranka Poland ee Arkadiusz Milik oo ah 26 jir la sheegayo inuu ka tegayo Napoli. (Calciomercato)

Tartanka loogu jiro xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo 20 jir noqday toddobaadkan, waxa hoggaanka u qabatay Manchester United oo bartilmeemeedka koowaad ka dhiganaysa xagaaga. (Independent)

Real Madrid waxa la rajaynayaa in Arsenal ay iskugu dari doonto ciyaartoy iyo lacag, si ay uga soo qaadato weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo 30 jir ah. (Star)

Arsenal waxay rabtaa inay dalab ka gudbiso difaaca Manchester United ee hadda amaahda ugu maqan AS Roma ee Smalling, kaas oo United ay doonayso in lagaga iibsado £25 milyan. (Metro)

Arsenal waxay kalsooni ku qabtaa inay heshiis rasmi ah la geli doonto xiddiga Real Madrid ee Dani Ceballos oo ah 23 jir reer Spain aah ama ugu yaraan heshiiska amaahda loo kordhin doono, iyadoo waqtigii hore ku eg yahay 30 June. (Standard)

Arsenal waxay ku dhowdahay inay gacanta ku dhigto Dayot Upamecano oo ah 24 jir difaaca uga ciyaara RB Leipzing. (Bild)