Ra’iisul Wasaarihii UK Boris Johnson oo laga helay Coronavirus

0
125

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga helay cudurka Coronavirus, markii laga qaaday tijaabo caafimaad oo lagu ogaanayay xaaladiisa.

Boris Johnson ayaa sheegay in 24kii saac ee la soo dhaafay uu isku arkau astaamo fudud sida Qufac iyo Qandho, taasoo ka mid ah calaamadaha lagu garto Caabuqa Coronavirus.

 

Waxaa uu sheegay inuu is go’doomin doono, keligiisna uu joogi doono, hase ahaatee waxaa uu caddeeyay inuu shaqada si wadi doono si uu u hoggaamiyo dalka, isagoo adeegsanaya Teknolojiyada casriga muuqaalka la iskala xiriiro “Video Conference”, si loola dagaalamo Fayraskan.

Mr Johnson waxaa markii ugu dambeysay ee la arkay ay aheyd habeenimadii Khamiista, isagoo taagnaa banaanka Xafiiska  No 10, taas oo qayb ka ah muujinta guud ee dalka oo dhan oo loogu mahadcelinayo shaqaalaha NHS.

 

Muuqaal Video ah oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter, Mr Johnson ooo 55 jir ah, wuxuu yiri: “Waxaan ku shaqeynayaa gurigeyga oo keli kali ah taasina gabi ahaanba waa waxa saxda ah inaan sameeyo, Laakiin, waxaan shaki ku jirin inaan sii wadi karo mahadsanid saaxibka tikniyoolajiyadda casriga ah si aan ula xiriiro dhammaan kooxdeyda ugu sareysa si aan ugu hoggaamiyo dagaalka dib-u-soo-celinta qaran ee coronavirus”

 

Cudurka Coronavirus oo caalamka oo dhan di saf mar dhibaato ugu haya ayaa waxaa uu ku dhacay dad badan oo caan ah, sida Aktarka Idris Elba iyo xaaskiisa Sabirina dhowre.