Somaliland oo amar ka soo saartay dadka ka imaanaya Yurub iyo Waqooyiga Ameerika

0
123

Maamulka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in aanay u soo safri karin deegaanadeeda dadka ka imaanaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, waxaana ay ku amartay diyaaradaha in aanay soo qaadi karin rakaab ka imaanaya dalalkaas.

Guddiga qaabilsan u diyaar garowga iyo ka hortagga xanuunka COVID-19 ayaa soo saaray amarka lagu joojiyay in aanay imaan karin dadka ka soo safraya Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo laga cabsi qabo inay qabaan cudurkaas.

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa maalmihii u dambeysay ka dageysa diyaaradda Ethipian Airlines oo rakaab ka keeneysay dalal kala duwan.