Wararka Ugu Waaweyn Suuqa Iibka Ciyaartoyga Maanta Oo Sabti Ah

0
252

Inkasta oo uu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoygu oo la filayo in horraanta bisha June uu furmo, haddana kooxaha waaweyn ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii ay ciyaartoyga ay doonayaan uga sii dhaadhiciyaan inay heshiisyadooda ogolaadaan, waxaanay qaarkood haddaba lasii gelayaan qandaraasyo hor dhac ah.

Warbaahinta adduunka ayaa waxay si taxani ah usoo bandhigaan xogtii ugu dambaysay ee suuqa iyo dhaqdhaqaaqyada ay kooxuhu samaynayaan, kuwaas oo isugu jira warar xan ah iyo kuwo run ah oo raadkoodu muuqdo.

 

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee maanta oo Sabti ah ay qoreen wargeysyada waaweyn ee dunidu:

Chelsea waxay xiisaynaysaa goolhayaha xulka qaranka Jarmalka, Manuel Neuer oo 34 jir ah oo Bayern Munich u ciyaarayay tan iyo sannadkii 2011. (Bild)

Bayern Munich waxay ku beddeli doontaa Neuer goolhayaha kale ee reer Germany ee Marc-Andre ter Stegen oo ah 27 jir la sheegayo in Barcelona ay ku iibin karayso lacag dhan £90 milyan. (Daily Mail)

Laacibka Borussia Dortmund iyo xulka qaranka England ee Jadon Sancho oo 20 jir ah, waxa uu ka faa’iidaysan doonaa fursadda uu ka helayo Manchester United ee saxeexiisa doonaysa, sida uu sheegay Dimitar Berbatov. (Sun)

Tottenham waxay rabtaa inay la saxeexato difaaca Inter Milan ee Diego Godin oo ah ah 34 jir uu xiisaynayo Jose Mourinho. (Mirror)

Kooxaha Everton iyo West Ham ayaa doonaya saxeexii cusbaa ee Barcelona ee Martin Braithwaite oo ah 29 jir ay Blaugrana bishii February soo iibsatay, waxaana ay ku gadaysaa ugu yaraan £16 milyan. (Diario Sport)

Arsenal waxay doonaysaa saxeexa khadka dhexe ee Valencia ee Carlos Soler oo ah 23 jir u dhashay Spain oo dhowaan saxeexay heshiis cusub oo soconaya illaa 2023. (Sun)

Khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal oo 32 jir ah ayaa ogolaan doona xagaaga inuu ku biiro Inter Milan. (Calciomercato)

Difaaca Arsenal ee Shkodran Mustafi oo 27 jir ah ayaa qirtay in mustaqbalkiisa uu mugdi ku jiro. Heshiiska uu laacibkan reer Germany kula jiro Arsenal waxa uu dhacayaa xagaaga 2021, waxaanu yidhi: “Calaamado su’aal badan ayaa ka taagan musqabalkayga). (Sky Sports).