Wasaaradda Waxbarashada oo la wareegeysa Dugsigii 15 May ee Masaarida maamulayeen

0
185

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la wareegeysa Dugsiga 15 May oo ay maamuleysay Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya, waxaana la isku afgartay inuu dhaqan galo la wareegida Dugsigaas 20 April 2020.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa Dugsigan 15 May ka dhigi doonta Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Lama oga in go’aankan inuu daba socdo tallaabadii dhowaan dowladda Soomaaliya uga laabatay taageeridii qaraarkii Masar ee Wabiga Niil ee Shirkii Jaamacada Carabta, iyadoo dowladda Soomaaliya cadaadis kala kulantay dowladda Itoobiya oo xilligan khilaaf wabiga Niilka kala dhaxeeya Masar.