Wasiir Germany ah oo isku dilay walaaca coronavirus awgiis

0
233

Thomas Schaefer, oo ahaa wasiirka maaliyadda gobolka Hesse ee dalka Jarmalka, ayaa iskiis isku dilay kadib markii uu walaac ka muujiyay sida loola tacaali karo burburka dhaqaale ee ka dhashay coronavirus.

Raiisul wasaaraha ismaamulka gobolka Hesse ,Volker Bouffier ayaa xaqiijiyay geerida Thomas Schaefer

Schaefer, oo 54 jir ah, ayaa meydkiisa laga helay meel u dhow wadada tareenka Sabtidii. Xafiiska xeer ilaalinta ee Wiesbaden ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inuu isagu isdilay.

Ismaamulka gobolka Hesse wuxuu hoy u yahay caasimada dhaqaalaha ee Jarmalka Frankfurt, halkaas oo deyn bixiyeyaasha waaweyn sida Deutsche Bank iyo Commerzbank ay xaruntooda ku leeyihiin. Bangiga Dhexe ee Yurub ayaa sidoo kale ku yaal Frankfurt.

Bouffier ayaa xusay in Schaefer, oo ahaa madaxa maaliyadda Hesse 10 sano, uu shaqeynayay maalin iyo habeen, si uu uga caawiyo shirkadaha iyo shaqaalaha inay wax ka qabtaan saameynta dhaqaale ee cudurka Coronavirus.

“Waa sax waqtigaan adag inaan u baahanahay qof isaga oo kale ah,” ayuu yidhi Volker Bouffier, oo ka walaacsanaa geerida wasiirkiisa maaliyadda.