Wasiirkii Difaaca dalka Sudan oo geeriyooday.

0
250

Sida uu Warbaahinta u Xaqiijiyay Afhayeen u hadlay Militariga Sudan ayaa, waxaa Koofurta Sudan ku geeriyooday Wasiirkii Gaashaandhigga dalkaas Sareeye Gaas Jamaaludiin Cumar Maxamed Ibraahim.

Afhayeenka ayaa sheegay in Wasiirka uu u dhintay Wadno Xanuun isaga oo ku howlan wada-xaajood u socda Dowladda Suudaan iyo dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee saldhigga ku leh Magaalada Juba ee Caasimadda Koofurta Suudaan oo ka go’day dalkaas.

Waxa uu kamid ahaa Golaha KMG ah ee talada Suudaan la wareegtay, waxaana uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga, waana shaqsi kaalin weyn ka qaatay qorshihii xilka looga tuuray Madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir 11-kii April sanadkii hore 2019.