{AQRISO} Xeer ilaaliyaha qaranka oo beeniyay in la musuqay mashruuca baxnaano.

0
79

Xeer ilaaliya Qaranka Dr Suleeymaan Maxamed Maxamuud  ayaa beeniyay in la Masuq maasuqay Marshuurca Baxnaano oo Madaxdaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu daahfuray Abriil 18, 2020,kaas oo loogu talagalay in wajigiisa 1 aad ay ka faa’iidaystaan 1.3 Malyan oo qof.

War qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka ayaa lagu beeniyay war uu daabacay wargayska Horn Observer.com, kaas oo dhawaan daabacay in la masuq maasuqay Mashruucaan oo ay ku baxayso lacag dhan 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sidoo kale ku Hanjabay in uu caddaalad la tiigsanayaan Warbaahinta ka been abuurtay mashruuca baxnaano sida lagu caq warqada ka soo baxday Xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Mashruucaan ayaa Xafiiska Xeer ilaalinta sheegay in ay gacanta ku hayaan hay’adaha  WHO IYO UNIFEC oo kaa shanaya wasaarada Sharaqa iyo arimaha Bulshada Soomaaliya, waxa uuna ku timaamay warbixinta wargaysku qoray oo ah in si qaab daran loo maareeyay Mashruucaan ay tahay “been abuur isla markaana uu sharciga la tiigsanayo”.