{DAAWO SAWIRADA} Deni oo ka qaybgalay Dood ku saabsan Doorashada dalka 2020/21-ka

0
101

Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa xalay lagu qabtay dood looga hadlayay Doorashada dalka la filayo in ay dhacdo dhammaadka sanadkaan 2020-ka illaa bilawga sanadka soo socda 2021-ka iyo marxaladda kala guurka ah.

 

Doodad waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyneynayaashii hore ee maamulkaas Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Senator Cabdiraxmaan Maxamed maxamuud Faroole, Wasiirka Arrimaha gudaha, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada, Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo xubno kale.

 

Waa kulankii Afaraad oo dood ku saabsan Doorashada Soomaaliya iyo xaaladaha ku gedaaman ee kala guurka, maadaama lasoo dhisayo Xildhibaanno, Senatoro, Guddoonkooda, Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare.

 

Xiriirka Dowladda Dhexe ee federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland ayaan wanaagsan, muddada sanadka iyo dhowrka bilood ah ee uu xafiiska joogo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Dowlad Goboleedyada waxa ay si toos ah usoo magacaabayaan Senatarada Aqalka sare, halka Xildhibaannada Golaha Shacabka lagu soo dooranayo Deegaan Doorashadooda sida Gobolka Banaadir, Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Xildhibaanada Somaliland oo Muqdisho loogu qabto xulista Mudanayaasha.

 

Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ayaa ku adkeysanaya in dalka ay ka hirgelin doonaan doorasho qof iyo cod ah, waxaana ku horgudban duruufo dhowr ah oo ay kamid yihiin Amniga, dhaqaalaha, waxaana kusoo biiray Xaaladda laga dhaxlay Xannuunka Covid-19.

 

Dhammaadka bishaan May, Guddiga Doorashooyinka waxaa ay hortagayaan Labada Gole ee BFS si ay ula wadaagaan Nuuca Doorasho ee dalka ka dhaceyso, waxyaabaha u qabsoomay iyo tallaabada ugu dambeyso oo ay ku dhaqaaqayaan.